|
Isbahaysiga dib u Xureynta oo Kaanaasulay Shuruudihii ay Kuxireen Wadahadal ay Lagalaan Dowladda |
|
Written by Ali Moallim
|
|
Tuesday, 15 April 2008 |
|
Muqdisho,(insidesomalia.org)-Isbabaysiga dib u uxresynta Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka tanaasuleen Shuruudihii ay ku xireen wada hadal ay lagalaan Dowladda Soomaaliya kaa soo ahaa in Ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Gudaha Dalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha dhaxe ee Isbahaysiga dib u xureynta Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo saxaafada u waramayey isagoo ku sugan Dalka Jabuuti ayaa tilmaamay in uu isbadalay Mowqidkoodii oo ahaa in aysan wada hadal la galeynin Dowladda inta gudaha Dalka Soomaaliya ay joogaan Ciidamada Itoobiya
Shariif Xasan waxaa kaloo uu sheegay in Sababaha keeynay in ay tanaasul sameeyaan ay tahay danaha Dadka Soomaaliyeed, waxaana uu intaasi ku daray in dhawaan la sameyndoono gudi labada dhinac ah oo ay dhax dhaxaadinayso Qaramada Midoobey
Gudigaasi ayaa la tilmaamay in ay ka hadli doonaan ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya Gdaha Dlka Somaaliyaa iyo isfaham dhaxmara Mucaaradka iyo Dowladda Federaalka KMg ah ee soomaaliya.
Hadalkaan ka soo baxay Isbahaysiga dib u xureynta ayaa waxa uu ku soo beegmay xili dhawaan qaar ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya ay ka dhaceen dagaalo culus oo dhaxmaray Ciidamada Itiibiya iyo kooxaha ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Ajnabiga ah iyo weliba siyaasada Dowladda Soomaaliya.
|